Baahiyaha Caafimaadka Habdhaqanka ee Miyiga King County-Somali
Baahiyaha Caafimaadka Habdhaqanka ee Miyiga King County-Somali
Waxaan Raadineynaa taladaada: Waaxda Bulshada adeegyada Aadanaha (DCHS) ee King County waxay u baahan tahay caawimaaddaada! Waxaan talo ka dooneynaa xubnaha bulshada wixii ku saabsan helitaanka caafimaadka dhimirka iyo adeegyada isticmaalka maandooriyaha ee bulshada ku nool miyiga King County. Xog uruurintan waxaa loogu talagalay shakhsiyaadka ku nool iyo/ama ka shaqeeya miyiga, Meelaha Adeegga Bulshada ee aan ku jirin King Count iyo sidoo kale miyiga, meelaha hoose ee la isku daray Jawaab celinta lagu soo uruuriyay xog uruurinta waxay ku wargelin doontaa qorshaynta King County ee la xidhiidha hagaajinta helitaanka caafimaadka dhimirka iyo adeegyada isticmaalka maandooriyaha ee miyiga.
Goobaha Adeegga: Wixii macluumaad ah ee ku saabsan goobaha adeegga u-qalma, fadlan u tag King County Department of Local Services (Waaxda Adeegyada Maxalliga ah ee King County) si aad uga aragto tilmaanta goobaha Adeegga Bulshada barta
https://www.kingcounty.gov/depts/local-services/programs/community-service-areas.aspx.]
Qarsoodiga Xog uruurintan: Xog uruurintani waa mid aan la aqoon macluumaadka aad bixisayna waa la ilaalin doonaa. Macluumaadka waa la soo koobi doonaa loolana wadaagi doonaa qaab aan lagugu aqoonsan karin. Waad ka boodi kartaa su'aalaha aad doorbideyso inaadan ka jawaabin. Dhamaadka xog uruurintan waxaad fursad u heli doontaa inaad kula wadaagto jawaabahaaga si qarsoodi ah warbixin guud oo mustaqbalka ah oo ku saabsan baahiyaha reer miyiga.