live
live
Community survey

We are gathering community input through June 30, 2022. We will use the responses to this survey to make preliminary design choices.

planned
planned
Construction

Site construction is tentatively targeted for summer 2024.

Soo dhowaada, Waxaanu Rabnaa Talooyinkiina!  

Degaanka King wuxuu dib u naqshadeynayaa goobta White Center Ponds. Waxaanu si qoto dheer u qodi doonaa balliyada si ay u qabtaan biyaha roobka oo badan oo ay u qoyanaadaan sanadka oo dhan.  Tani waxay hoos u dhigi doontaa fatahaada xaafada iyo gacan ka geysashada nadiifinta biyaha galaya harooyinka iyo durdurada ay isticmaalaan kalluunka, shimbiraha, berri-biyoodka ‘amphibians’ iyo xayawaanka kale.  Laakiin White Center Ponds ma ahan oo kaliya goob biyaha roobka ah.  Goobtu sidoo kale waa degaan dabiici ah iyo meel cagaaran oo ay geli karaan dadweynuhu.   Waxaanu rabnaa in aanu goobtani ka dhigno mid si wanaagsan ugu shaqeysa qof kasta oo ku nool xaafada.  Sideed rabtaa in aanu u beddelno degaanka dabiiciga ah eeWhite Center Ponds? Ka dhig in codkaaga la maqlo adiga oo ka jawaabaya 10-ka su’aalood ee gaaban ee ra’yi ururinta ee hoose. 

Waxaanu rabnaa in aan war kaa maqalno!

Kooxdayada naqshad dejinta ayaa ka qayb galaysa kulamada iyo dhacdooyinka bulshada ee guud ahaan White Center. Waxaanu rabnaa in aan war ka maqalno qof kasta oo daneynaya mashruucani. 

Hadafka Naqshad Dejinta:

  • Ka dhigista balliyada meel qof kasta oo ka tirsan bulshadu ku raaxeysan karo oo uu ammaan ku dareemi karo.  

  • Wanaajinta badbaadada iyo xoojinta gelitaanka dadka jidka lugaynaya. 

  • Kordhinta fursadaha madadaalo iyo helitaanka meel cagaaran.

 

Wixii macluumaad dheeraad ah iyo si la iskugu diiwaan geliyo macluumaadka cusub ee mashruuca booqo website-keena.

Guudmarka Mashruuca

White Center Ponds waa dhul qoyan iyo xarunta balliga biyaha roobka.    Marka uu roob da’o balliyadu waxay ururiyaan biyaha kuwaasi oo soo qaada wasakhda marka ay maraan waddooyinka iyo laamiyada. White Center Ponds waxay gacan ka geystaan nadiifinta biyaha galaya harooyinka. Marka ay biyaha roobku ku nagaadaan balliga, waxay u saamaxdaa waqti ay wasakhdu ku dagto gunta hoose ee balliga, kaasi oo markaasi ay ka saari karaan shaqaalaha dayactirku. Dhirta ka baxaysa meelaha u dhow balliyadu waxay soo jiidataa wasakhda nafaqooyinka xad-dhaafka ah ee galaya xididadooda. Dhirta ka baxda biyuhu waxay sidoo kale dabtaa/xannibtaa waxyaabaha dhegdheg leh sida saliida iyo dufanka waxayna ka hortagtaa in ay soo raacdo durdurka hoose.  Biyahan nadiifta ahi ka dib waxay ku shubmaan Mallard Lake iyo Hicklin Lake oo ku yaala Dick Thurnau Park ka hor inta aysan aadin/u socon Salmon Creek ee aysan u bixin Puget Sound.

Wixii macluumaad dheeraad ah iyo si la iskugu diiwaan geliyo macluumaadka cusub ee mashruuca booqo website-keena. Su’aalo dheeraad ah?   La xiriir Marta Olson.

Haddaba waa maxay dhibaatadu? 

White Center waxay noqonaysa mid aad u horumarsan.  Marka jidadka, waddooyinka lagu lugeeyo ama dhismayaasha  oo dheeraad ah lagu daro taasi waxay ka dhigan tahay ciidda iyo dhirta oo intii hore ka yar oo la heli karo si ay u nuugaan biyaha. Biyaha roobka ayaa taasi beddelkeeda u qulqula waddooyinka iyo waddooyinka lagu lugeeyo iyada oo roobku ku shubmo balliyada biyaha roobka.     Biyaha roobka oo badani waxay ka fatihi karaan jidadka xaafada waxayna horseedi karaan durdurro iiyo harooyin wasakheysan.

Tayada biyiaha ee durdurka hoose ee ku yaala Hicklin Lake (Lake Hicks) ayaa ahaa kuwo liito sanado badan. Algae sunta ah ee soo baxaya ayaa keenay xiritaanka harooyinka oo soo noqnoqda iyada oo harada ay soo gaareen phosphorus iyo bakteeriyada isku urursan oo heerkoodu sarreeyo (fecal coliform).  Inkasta oo daaweynta biyaha oo hore ee lagu daaweeyay maadada alum oo laga gaaray waxoogaa guul ah, wasakhda isku urursan ee heerkoodu sarreeyo ayaa sii socota in ay dhibaato ahaato.   Tani waxay ka dhigan tahay in aysan badiyaa ahayn mid ammaan ah in lagu dabaasho, ay khatar ku tahay xayawaanka la korsado, lagamana helayo degaan tayo leh oo u wanaagsan shimbiraha ama xayawaanka kale.

White Center Ponds waa degaan dabiici ah oo dadweyne laakiin dad badan ayaa iska ilaaliya goobta iyada oo sababtu tahay walwalka dhanka ammaanka ah.   Goobtu aad ayay mugdi u tahay habeenkii.  Dhirta isku cufan ayay adag yahay in wax laga dhex arko waxayna xijaab u noqotaa xerada teendhada leh ‘camping’ gaar ahaan marka ay balliyadu qalalan yihiin xagaaga.  Xafiiska Mas’uulka ee Degaanka King ayaa inta badan loogu wacaa degaanka u ku yaala ama u dhow balliyada iyada ay sababtu yahay hawlo sharci darro ah.  

Maxaa isbeddel ah oo ku dhici doona dib u qorsheynta? 

Balliyada dib loo naqshadeeyay waxaa ku jiri doona biyo sanadka oo dhan waxaana sahlanaan doonto in wax laga dhex arko dhirta.  Kooxda mashruuca ayaa ka fikiraysa in ay ku darto nalal si markaa goobta la dareemo ammaan xiliga habeenka waxayna sidoo kale ku daraysaa qaabab lagu dhiirigelinayo isticmaalka badan ee bulshada. Ma haysaa wax fikrado ah oo aan ku wanaajin karno degaanka u dhow balliyada?  Nooga sheeg waxa aad u maleyneyso ra’yi ururinteena kooban ee ku qoran hoosta.  

  • Maxay kugu qaadan doontaa in aad ammaan ku dareento White Center Ponds?
  • Maxaan ku dari karnaa ama ka beddeli karnaa ee kaa ka dhigi kara in aad ku faraxdo aadista White Center Ponds?
  • Miyuu jiraa wax ku saabsan White Center Ponds hadda jira oo aad rabto in uu sidii hore ahaado? 

Mashruuca dib u naqshadeynta wuxuu balliyada ka dhigi doonaa kuwo waaweyn kuwaasi oo saamixi doona in lagu keydayo biyo badan.   Natiijadu waxay noqon doontaa fatahaada xaafada oo intii hore ka yar inta lagu jiro roobkii weyn ee da’a.  Balliyada waaweyn sidoo kale waxay biyaha roobka u oggolaadaan waqti dheeraad ah oo ay ku degaan balliyada.  Tani waxay gacan ka geysan doontaa in meesha laga saaro wasakhda oo biyaha loo oggoloodo in ay nuugaan dhirta. Biyahan nadiifta ahi waxay ku shubmaan Hicklin Lake, Salmon Creek iyo Puget Sound. 

Marka aanu qodno balliyada si aanu uga dhigno kuwo waaweyn qaar ka mid ah dhirta yar yar ‘shrubs’ ee hadda jirta iyo geeduhuba waxay u baahnaan doonaan in meesha laga saaro.  Naqshada cusub ayaa mudnaanta siin doonta ilaalinta/dhowrista geedaha waaweyn ee hadda jira markasta oo ay suurtagal tahay.  Qaarka mid ah geedaha waaweyn ayaa la ilaalin doonaa jasiiradaha korkooda ee ku yaala bartamaha balliyada. Waxay u ekaan doonaan sida balliyada dib loo naqshadeeyay ee ku yaala koonfurta mashruucan inta u dhaxaysa jidadka Southwest 100th iyo Southwest 102nd. Dhirta dhulka loogu yimid ayaa la taagi doonaa dhismaha si ay degaan u siiso cayayaanka, shimbiraha iyo xayawaanka kale.  

Waa maxay waayo-aragnimadaada aad u leedahay White Center Ponds? 

Question title

Miyay jiraan meelo gaar ah oo ku yaala White Center Ponds oo aad ka aragto dhibaatooyin aad rabto in aan hagaajino ama meelo qiimo kuu leh oo aad rabto in aanu ilaalino?  

Question title

Miyaad booqataa White Center Ponds hadda?

Yes
70%
No
30%
Closed to responses | 136 Responses

Question title

Haddii ay jawaabtu haa tahay, maxaad halkaasi ku aadaa? 

U socdaa, u wataa shay taayiro leh ‘rolling’/u wataa baaskiilka/bushkuleetiga si raaxo/tamashle ahaana
64%
Waxaan u aadaa waayo-aragnimada/la kulanka dabeecada ama daawashada duurjoogta
53%
Gaadiid - waan socdaa/waxaan qaataa shay taayiro leh ‘roll’/baaskiilka/bushkuleetiga si aan u aado meel kale
42%
Waxaan halkaasi u lugeysiiyaa eygayga
36%
Jimicsi ahaan
33%
Kuwo kale
5%
Closed to responses | 96 Responses

Question title

Haddii ay jawaabtu maya tahay, maxayna sidaasi u ahayn?

Ammaan kuma dareemo halkaasi
49%
Aad ayay mugdi u tahay habeenkii
34%
Ma jirto sabab aan u aado halkaasi
20%
Ma ogayn in ay jirto
16%
Kuwo kale
16%
Closed to responses | 70 Responses

Question title

Maxay yihiin hawlaha aad rabto in aad ka qabato White Center Ponds haddii dib loogu naqshadeyn lahaa hab kaa dhiga in aad tagto halkaasi? 

Closed to responses | 118 Responses

Question title

Maxaa horumar ah ee kaa dhigi kara in aad booqato White Center Ponds?

Closed to responses | 113 Responses

Question title

Maxaad isleedahay guud ahaan White Center bulshada ayaa u baahan in badan? 

Closed to responses | 112 Responses

Question title

Qiyaastii halkeed ku nooshahay? (riix khariidada oo u jiid meesha wareegsan goobtaada aad joogto)

Su’aalaha qaab-dhismeedka Dadka. 

Waxaanu rabnaa in aanu war ka maqalno qof kasta oo ka tirsan bulshada White Center.  Su’aalahani waxay naga caawin doonaan fahamka haddii aan sameynayo ama haddii aynaan sameynayn taasi iyo kuwa laga yaabo in codadkooda ay meesha ka maqan yihiin.  Ka jawaabida su’aalahani waa mid ikhtiyaari ah.

Question title

Miyaad ijaarataa mise leedahay guri kuu gaar ah?   

Ijaar ku jira
Guri gaar ah leh
Kuwo kale
Closed to responses

Question title

Waa maxay da'daadu?

Ka yar 18
18-25
26-35
36-45
46-55
56-65
66-75
Ka weyn 75
Ma rabo in aan ka jawaabo
Closed to responses

Question title

Waa maxay jinsigaagu?

Male
Female
Qof bedeshay jinsiga ‘transgender’
Aan isku aqoonsanayn lab, dheddig, ama qof bedeshay jinsiga ‘transgender’
Ma rabo in aan ka jawaabo
Closed to responses

Question title

Waa maxay asalkaagu/qowmiyaddaadu?

Caddaan ah
Madow ama Maraykanka-Madow ah
Hisbaanik, Latino, ama Isbaanish ah
Aasiya ka soo jeeda
Hindida Maraykanka ama Dhaladka Alaska
U dhashay Hawaii ama Jasiiraddaha Baasifiga ee Kale
Kuwo kale
Ma rabo in aan ka jawaabo
Closed to responses

Question title

Waa maxay heerkaaga ugu sareeya ee waxbarasho?

In ka yar fasalka 9-aad
Some high school
Ka qalin jabiyay dugsi sare/GED
Kulliyadda qaarkeed
Shahaado kulliyadeed
Shahaadada qalin jabinta
Kuwo kale
Closed to responses

Question title

Ma haystaa wax faallooyin ama talooyin kale ah oo aad jeclaan lahayd in aad ka bixiso mashruuca dib u naqshadeynta White Center Ponds?  

Closed for Comments